Mjournal :-Xisbiyada Wadajir, Himilo Qaran iyo Midowga Nabadda iyo Horumarka  (UPD) ayaa hambalyo u diray Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaasoo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

War saxaafadeed gaar gaar ah oo ay saddexdan xisbi soo saareen ayaa lagu soo dhoweeyay laguna boggaadiyay howsha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland iyo sida ay uga dhabbeeyeen jadwalkii ay horay u dagsadeen.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen dowladda Federaalka inay ka digtoonaadaan faragelin ay ku sameeyaan Jubbaland iyo in xasillooni daro laga abuuro.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedyada gaar gaarka ee ay soo saareen Xisbiyadan:-



Source link