13 August 2019 (Puntlandes) Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay korortay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay weerar ay shalay malayshiya-beeleed hubaysan ku qaadday gudaha degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Mire Maxamed iyo wasiirka Dastuurka iyo Xiriirka Golayaasha Somaliland Maxamed Xaaji Aadan oo si wadajir ah shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay ayaa sidoo kale sheegay in dad loo soo qabtay weerarkaasi, waxay kale oo ay faahfaahin ka bixiyeen meelaha laga abaabulo dhibaatada ka taagan Ceel Afweyn.


Puntlandes.com



Puntland24 News