(Qahira) 11 July 2019. Xulka qaranka Algeria ayaa iska xaadiriyey afar dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 kaddib markii ay reebeen dhiggooda Ivory Coast.

Xulka Algeria ayaa kaddib kulan la isku mari waayey 1-1 kaddib waxa ay rigooreyaal uga adkaadeen Ivory Coast.

Algeria ayaa goolka la horreeyey waxaana 20’daqiiqo ugu shubay Ivory Coast ciyaaryahan Sofiane Feghouli, kulanka ayaana noqday 1-0 looga gacan sarreeyey Ivory Coast.

Xulka qaranka Algeria ayaa iska lumiyey fursad dahabi ah oo ay hoggaanka ciyaarta ku qaban lahaayeen 2-0, laakiin waxaa rigoore loo dhigay 48’daqiiqo ka khasaariyey Baghdad Bounedjah.

Ivory Coast ayay taasi fursad u siisay inay la yimaadaan goolka barbaraha waxaana u dhaliyey 62’daqiiqo ciyaaryahan Jonathan Kodjia, kaasoo ciyaarta ku soo celiyey garbo siman kulanka ayaana sidaas ku noqday 1-1.

Barbarahaas ayuu ku soo dhammaaday waqtigii loogu talo galay, waxaana loo baahday in lagu kordhiyo ciyaarta 30 daqiiqo oo dheeri ah markii lagu kala bixi waayeyna waxaa la dhigay gool ku laadyo.

Rigooreyaashaasna waxaa 3-4 ku adkaaday xulka Algeria oo sidaas ugu soo baxay afar dhammaadka Koobka qarammada Afrika 2019, halka Ivory Coast ay tartanka isaga hareen.

Gool FM.






Source link