(Spain) 20 June 2019.Real Madrid ayaa ku shaacisay Website-keeda rasmiga ah in laacibkeeda Marcos Llorente uu si rasmi ah ugu biiray Kooxda ay daris wadaaga yihiin ee Atletico Madrid.

Dhinaca kale Atletico Madrid ayaa dhankeeda shaacisay inay kala heshiisay kooxda Real Madrid saxiixa Marcos Llorente, wuxuuna saxiixi doonaa qandaraas 5 sano ah, kaddib marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadka.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ah ee “Mundo Deportivo”, heshiiska ayaa wuxuu ku kacay 40 milyan oo euro.

Marcos Llorente ayaan kasoo muuqan kulamo badan kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, kaliya wuxuu ciyaaray 16 kulan, isagoo dhaliyay 2 gool.

Xiddigan khadka dhexe ee Llorente waa 24 jir wuxuuna sidoo kale ka ciyaari karaa dhanka daafaca, isagoo xulkiisa qaranka Spain u saftay 9 kulan xiddigaha da’adooda ay ka hooseyso 21 jirada ee dalkiisa

Waxaa la filayaa in Marcos Llorente uu noqdo badalka Rodrigo Hernández, kaasoo si rasmi ah ugu wargaliyay maamulka kooxda Atletico Madrid inuu doonayo inuu ka tago.

Gool FM.






Source link