Madaxa Xarunta Dhexe ee XDS Oo Ka Warbixiyay Udiyaar Garowga Xuska Maalinta XDS.

Madaxa xarunta dhexe ee Xisbiga dimuqoraadiga somalida(XDS) mudane Eng Maxamed Shaale Isaaq oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta SRTV ayaa ka warbixiyay diyaar garawga xisbiga iyo xukuumada deegaanku ugu jirto xuska sanad guurada 21aad ee 20ka bisha Sane.

Engka ayaa sheegay in xuskani ka duwan yahay xusaskii hore islamarkaana uu ku soo beegmay wakhti uu isbedalka dhacay deegaanka iyo guud ahaan dalka loona xusayo sika duwan xusaskii hore, Engka ayaa tilmaamay in la qaban doono fagaarayaal doodcilmiyeed ah oo lagu falanqayndoona soonyaalka taariikhda deegaanka iyo jihooyinka mustaqbalka islamarkaana uu meel fiican marayo diyaar garowga loogu jiro soo dhawaynta xuska munaasabada 20ka sane.

Mar uu ka hadlayay dhinaca waxqabadka XDS ayaa waxa uu sheegay in mudada yar ee uu isbadalku dhacay deegaanka guulo gashi u ah shacabka deegaanka xisbigu soo hooyay islamarkaana sii xoojinayo ka jawaabida baahiyaha bulshada, hirgalinta qorshayaasha horumarineed iyo taabagalinta hiigsiga yoolasha horumarka waara.

Kuxidhnaw SRTV.