(Paris) 14 Juunyo 2019. Xulka qaranka Italy ayaa 5-0 uga adkaaday dhiggooda Jamaica kulan ka tirsan koobka adduunka Haweenka ee ka socda Waddanka Faransiiska xilli  ay saddexleey saxiixday Cristiana Girelli.

Goolka hore ayaa yimid daqiiqaddii 12’aad waxaana rigoore loo dhigay Talyaaniga gool u rogtay Cristiana Girelli, 25’daqiiqana goolka labaad ayey raacsaday Cristiana Girelli, sidaas ayaana lagu kala nastay 2-0 looga gacan sarreeyey Jamaica.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay gabdhaha Talyaaniga ayaa bandhiggooda cajiibka ah iska sii watay, waxaana 46’daqiiqo bilowgii qeybtii labaad goolka saddexaad ee ciyaarta markale la dhalisay Cristiana Girelli oo sidaas ku buuxsatay saddexleeydeeda kulankan.

Intaas kaddibna gabdhaha Jamaica  oo niyad jabay waxaa labo gool oo kale ku sii jilcisay Aurora Galli daqiiqadihii 71’aad iyo 81’aad, sidaas ayeyna gabdhaha Italy ku adkaadeen 5-0.

Xulka Talyaaniga oo wada badiyey labadii kulan ee ugu horreeyey guruubka C ayaana sidaas ugu soo baxay wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee dumarka 2019, laakiin waxaa kaalinta labaad isku haysta Brazil iyo Australia oo wada leh min saddex dhibcood.

Gabdhaha Talyaaniga ayaa markii ugu horreysay u soo baxay wareegga bug-baxa ama knockout tartankan markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1991-kii.

SAWIRRO:

Gool FM.






Source link