(Brazil) 14 Juunyo 2019. Waxaa caawa furmaya tartanka xiisaha leh ee Copa America kaasoo ka baasmi doona dalka Brazil oo marti gelinaya koobkan.

Copa America waxaa lagu furi doonaa xulalka Brazil oo marti gelinaya koobkan iyo Bolivia, waxaana la isweydiinayaa xiddiga buuxin doona booska uu ka dhaawacan yahay laacibka Brazil ee Neymar Jr.

Waa markii 46-aad taariikhda ee uu qabsoomi doono tartanka ugu da’da weyn ee qaaradi ay qabsato kubadda cagta, waxaana uu Copa America uu caawa ka baasmi doonaa garoonka Estadio do Morumbi.

Waxa ay Brazil koobkan tartankiisa ku bilaaban doonaan iyagoo ah xulka ugu cad-cad inuu hanto Copa America, balse waxa ay dhaawac ku weynayaan Weeraryahankooda Neymar.

Xulka Brazil ayaa u yeeray Willian, laakiin lama filayo inuu ku soo bilowdo safka hore oo waxa uu loollan adag kala kulmi doonaa laacibka ka tirsan Ajax ee Neres iyo Richarlison oo weerarka uga dheela Everton.

Safka xulka qaranka Brazil waxaa dagaal kale uu ku dhexmari doonaan labada goolhaye ee ka kala tirsan Manchester City iyo Liverpool ee Ederson Moraes iyo Alisson Becker, laakiin waxa ay saadaashu u badan tahay in Alisson uu safka hore ku bilaaban doono.

Kulanka caawa u dhexeeya Brazil iyo Bolivia ee lagu furi doono Coppa America ayaa baasmi doona 3:30 habeennimo saacadda geeska Afrika.

Haddii aan eegno natiijooyinka labadaan xul  ee lixdii kulan ee ugu dambeeyey xulka Brazil ayaa haysta shan guul iyo hal barbaro, halka xulka Bolivia uu wato saddex barbaro iyo saddex guuldarro.

Safafka suuro-galka ah oo la filayo inay xulalka Brazil iyo Bolivia ku soo galaan kulanka caawa:-

Safka hore ee Brazil: Alisson; Alves, Marquinhos, Silva, Luis; Arthur, Fernandinho; Richarlison, Coutinho, Neres; Jesus.

Safka hore Bolivia: Lampe; D Bejarano, Haquin, Jusino, M Bejarano; Castro, Galindo; Saavedra, Justiniano, Chumacero; Martins.

Gool FM.





Source link