Beledweyne-KNN-Magaalada
Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa ku wajahan xildhibaannada
labada qal ee Baarlamaanka soomaaliya, kuwaasi oo kasoo jeeeda deegaanada
Hirshabelle.

Xildhibaannadan
ayaa go’aanka ay ku tagayaan Beledweyne qaatay kaddib markii ay shir ku
yeesheen magaalada Muqdisho maalinimadii shalay ahayd waxa ayna sheegeen inay
diyaar u yihiin inay wax ka qabtaaan xiisadda colaadeed ee haatan ka taagan
magalaada Beledweyne,  kaasi oo ay ka
dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee Hiiraan Yuusuf Axmed
Hagar dabageed.

Xildhibaannadaan
ayaa hoosta ka xariiqay marka ay tagaan magaalada Beledweyne ay isku soo
dhaweynayaan labada dhinac ay xiisaddu u dhaxeyso si loo xaliyo khilaafka jira,
sidan waxaa KNN u sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Dedaallo nabadeed
ayaa laga wadaa magaalada Beledweyne ee gobalka hiiraan kaasi oo la doonayo in
lagu xaliyo xiisadda taagan.


Post Views:
11



Source link