Garoowe-KNN-Xildhibaanada
Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa in Kalfadhiga mudanayaasha
Maamulka  Puntland  uu furmo 15-ka bishan June, iyadoo ay kasoo
qeybgali doonaan madaxda ugu sareysa Maamulkaasi.

Waxaana lagu wadaa in
kulankaasi uu furo sida sharciga ah Madaxweynaha maamulka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni.

Xildhibaanada  baarlamaanka Puntland ayaa haatan dib ugu
laabanaya magaalada Garoowe, waxaana kalfadhigan ay uga hadli doonaan  arrimo kala duwan oo ay ku jiraan qodobada la
xariira ammaanka, difaaca, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Puntland
oo hadda kusugan dalka Itoobiya ayaa khudbad gaar ah ka jeedin doona kulankan,
waxaana khudbadaas uu kaga hadli doonaa waxyaabihii uu qabsoomay tan iyo markii
la ansixiyey xukuumadiisa.

Gudoomiyaha
baarlamaanka Cabdixakiim DhoobaDaareed ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada
Garoowe, kadib markii uu ka yimid gobalka Sanaag.


Post Views:
36



Source link