Muqdisho-KNN-Sida
uu qorshuhu ahaa waxaa maanta magaalada Nairobi lagu waday in uu ka furmo
Shirka  madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo ah mid xasaasi ah.

Madaxweynayaasha
maamulada Jubbaland iyo Galmudug ayaa hada ku wada sugan magaalada Nairobi,
inkastoo ay ka maqan yihiin Maamulada Puntland, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.

Sababta uu u baaqday
ayaa waxaa lagu sheegay in culeysyo soo wajahay qaar ka mid ah Madaxda Maamul
Gobaleedyada ka jira dalka.

Madaxweynaha Puntland
Siciid Deni oo lagu waday inuu gaaro magaalada Nairobi ayaa ka degay magaalada
Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana berri la
filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.

Sidoo kale
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay ka soo tagay
magaalada Nairobi, isagoo ku baxay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee
Gobolka Hiiraan.

Madaxda Maamul
gobaleedyada iyo dowladda dhexe ayaa hada waxaa ka dhexeeya khilaaf
siyaasadeed, iyadoona weli xal waaro loo helin.


Post Views:
44



Source link