Garoowe-KNN-Wasiirka
Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka puntland ayaa waqti u qabatay
inay isku-soo diiwaangeliyaan Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku sugan deegaanada
Maamulkaas si loo hubiyo tiradooda saxda ah.

Shaqaalaha Ajaanibta ayuu  ku amray inay u hoggaansamaan shuruucda
dalka,isla markaana sida saxda ah isku diiwaangeliyaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in la doonayo inay
isa-soo diiwaangeliyaan inta ka horaysa 30-ka bisha June ee sanadkaan 2019
cidii isdiiwaangelin weysana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Cid alaala iyo cidii isku-diiwaangelin weysa waqtiga aan u
qabanay ee Ajnabi ah wax shaqo ah kama qaban doonto deegaanada Puntland,waana
amar dowlo oo sharci ah cidii ka dhega adeegtana kama yeelid oono oo tallaabo
Sharci ah ayaan ka qaadeynaa ayuu yiri Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha
puntland.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii deegaanada Maamulka Puntland
laga ceyriyay Shaqaale Ajaanib ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudbeen
sharciga deegaanada Maamulkaasi.


Post Views:
8



Source link