Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Mali Boubacar
Keita, ayaa ku dhawaaqay in sadax maalin oo baroor diiq ah loo sameyn doono
tobonaan ruux oo dhawaantan dalkaasi lagu laayay.

Dowlada Mali ayaa
Arbacadii ceerisay gudoomiyihii gobolka Mopti oo ah halka uu kadhacay isniintii
weerarkii lagu laayay xubno katirsan Qoomiyada Dogon.

24 kamid dadka
dhintay ayaa lagu sheegay in ay caruur ahaayeen iyadoona dowladu sheegtay illaa
lix ruux in loo xiray weerarkaasi.

Ciidamo katirsan
kuwa amaanka ayaa lageeyay Gobolka kuwaas oo goob jog u ahaa qalaasaha
bilooyinki ugu danbeeyay halkaasi ku dhaxmarayay Qoomiyadaha Dogon iyo Fulani.

Dadka ku dhaw 100
ruux ayaa lasheegay in ay ku dhinteen weerarkii ugu danbeeyay ee halkaasi
kadhaca.


Post Views:
74



Source link