Muqdisho-KNN-Howlgalka
Midowga Afrika ee Soomaaliya , ayaa Ciidamada ammaanka Dalkeenna ugu deeqay
qalabka lagu keydiyo Cuntada iyo sahayda, si kor loogu qaado awoodda Ciidamada.

Qalabkan oo loogu tala galay in lagu xaddido heer-kulka
raashiinka ay Ciidamadu Isticmaalaan xilliyada ay howl-gallada ku jiraan ayaa
waxa uu ka kooban yahay Lix Koonteenar , iyadoo 4 ka mid ihi loo qorsheeyay
Millitariga halka Labada kalena ay lagu wareejiyay Boliiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed, ayaa ugu
mahad celiyay AMISOM deeqdan Ciidan, wuxuuna sheegay in ay tahay mid ay baahi
weyn u qabeen Ciidamadu in laga caawiyo keydinta Cuntada xilliyada lagu jiro
dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Janaraal; Bashiir Cabdi
Maxamed, oo goobta ka hadlay ayaa isna aad ugu mahadceliyay AMISOM taageerada
joogtada ah ee ay u fidiso , wuxuuna sheegay in aysan ahayn markii ugu
horreysay ee howlgalka midowga Afrika ay caawiyaan balse ay sii wadi doonaan.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Francisco
Caetano Madeira, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay doorkii ay ku
lahaayeen xoreynta degaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose, wuxuuna
sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto dhiirigelinta iyo taageeridda Ciidamada
ammaanka ee Soomaaliya.


Post Views:
24



Source link