Tiro ka mid ah shaqaalaha la socday laba markab oo waday shidaal ayaa laga badbaadiyay xeebaha Gacanka Cumaan, kadib markii laba qarax laga maqlay maraakiibta.

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay soo badbaadisay 21- shaqaalle oo la socday maraakiibta Kokuka  iyo Front Altair.

Ilaa iyo hadda macadda sababaha dhaliyay qaraxyadan ka dhacay maraakiibtan gooshayay mid ka mid ah marinda ugu mashquulka badan ee ay adeegsadaan maraakiibta shidaalka wada, waxaana ay kusoo beegmaysaa dhacdadan bil kadib markii afar ka mid ah maraakiibta shidaalka lagu weeraray Iimaaraatka Carabta.

Labada markab ee qaraxa uu kadhacay ayaa laga leeyahay wadanka Norway, halka mid kallena uu ku gooshayay calanka wadanka Panama.

Mareykanka ayaa horay u xoojiyay maraakiibtiisa dagaalka ee ka jooga gacanka, si’ay uga hortagaan weerar uga yimaada dowladda Iiraan oo ku hanjabtay inay weerari doonto maraakiibta shidaalka wada ee adeegsada marin biyoodka ugu mashquulka badan ee caalamka, iyadoo uga jawaabaysa cuno qabataynta Mareykanka uu kusoo rogay.

 





Source link