(England) 13 June 2019. Isku aadka kulamada horyaalka Premier League ayaa lasoo saaray, waana horyaalka ugu xiisaha badan oo ay taageerayaasha kubadda cagta sugayaan inuu bilowdo.

Iyadoo ay taasi jirto hadana kulamada ugu waaweyn horyaalka Premier League ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, gaar ahaan kulamada darbiga ah ee kooxaha isku magaalada ah ama kuwa uu ka dhaxeeyo xifaaltanka ugu weyn horyaalka.

Inkastoo ay jiraan kulamo waaweyn oo aan kasoo muuqan liiskaan, hadana xifaaltankaan iyo isku dhawaanshaha ayaa lagu saleeyay maadaama kulamadaan ay ku jiran kulanka Merseyside Derby (Liverpool vs Everton), balse aysan ku jirin kulanka Arsenal vs Man United.

Haddaba kulamada darbiga ah kan ugu soo horreeya wuxuu dhexmari doonaa dhamaadka August kooxaha ka wada dhisan waqooyiga London ee Arsenal vs Spurs, waxaana kusoo xiga kulan October isbuuceeeda saddexaad dhexmari doona kooxaha Man United iyo Liverpool.

Liiska kulamada hoos ka akhriso:

KULAMADA DARBIGA AH:

31/08/2019 Arsenal v Tottenham Hotspur

19/10/2019 Manchester United v Liverpool

04/12/2019 Liverpool v Everton

07/12/2019 Manchester City v Manchester United

28/12/2019 Arsenal v Chelsea

18/01/2020 Liverpool v Manchester United

22/01/2020 Chelsea v Arsenal

07/03/2020 Manchester United v Manchester City

14/03/2020 Everton v Liverpool

25/04/2020  Tottenham Hotspur v Arsenal

GOOL FM





Source link