(England) 13 June 2019. Xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay isku aadka horyaalka Premier League xilli ciyaareedka soo aadan, waxaana kulamada isbuuca koowaad kasoo baxay ciyaaro aad u xiiso badan oo aad loo wada sugi doono.

Isbuuca ugu horreeyo wuxuu bilaaban doonaa Jimco – waxaana furi doona kooxda Liverpool oo gurigeeda Anfield kusoo dhaweyn doonta Norwich City oo dib ugu soo laabatay horyaalka muddo kadib.

Manchester City ayaa laga yaabaa iney dagaal u gasho horyaalkii saddexaad oo xiriir ah, waxeyna noqon doontaa kooxdii ugu horreysay ee sidaas sameysa tan iyo Man United oo 2006 ilaa 2009 aan laga dhexgalin, Pep Guardiola ayaana doonaya inuu dagaal kale galo.

Qoraal ayaa ku socdo…..

KULAMADA ISBUUCA KOOWAAD:

Horyaalka wuxuu furmi doonaa 9-ka August, sidaas darteed laba maalin ka hor ayuu soo xirmi doonaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda horyaalka Premier League.

Jimco: Liverpool v Norwich City

Sabti: West Ham United v Manchester City

Sabti: A.F.C. Bournemouth v Sheffield United

Sabti: Burnley v Southampton

Sabti: Crystal Palace v Everton

Sabti: Leicester City v Wolverhampton

Sabti:Watford v Brighton

Sabti: Tottenham Hotspur v Aston Villa

Axad: Newcastle United v Arsenal

Axad: Manchester United v Chelsea

GOOL FM





Source link