Muqdisho-KNN-Kolonyo
ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa qarax miino waxaa lagula eegtay Magaalada
Gaarisa ee Gobalka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Qaraxa ayaa waxaa uu
ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Sedax goosa iyo Amuuma oo kawada tirsan Gaarisa.

Dadka Deegaanka ayaa
sheegay in qaraxa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska
iyo Militariga ee Dalka Kenya.

Warbaahinta Al-Shabaab
ayaa daabacday in khasaaro lixaad leh ay gaarsiyeen Ciidamo ka tirsan Booliska
iyo Militariga Soomaaliya.

Ma jiraan weli wax
war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidanka ee Dowladda Kenya.

Maalmo ka hor ayay
aheyd markii ciidamo ka tirsan Kenya ay la geeyay xadka ay wadaagaan Soomaaliya
iyo Kenya.


Post Views:
33



Source link