Breaking news Deg Deg

Waxaa Magaalada Jigjiga ee Xarunta Gobolka Faafan ka amba baxay wafti balaadhan oo kasocda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO).

Waftigan oo uu hogaaminayo Xoghayaha Golaha Dhexe ee JWXO Mudane Maxamed Shariif Cumar ayaa kuwajahan magaalada Wardheer ee Xarunta Gobolka Doollo.

Waftiga ayaa Soo indha indhayn doona Xaalada Gobolka Doollo gaar ahaan magaalada Wardheer, halkaas oo dhawaan ay kadhaceen shaqaaqooyin udhaxeeyay dadka Deegaanka iyo maamulka Gobolka.

Waftiga ayaa hadii Alle Idmo lakulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan Gobolka Doollo, waxayna waftigu qiimayn rasmi ah kusamayn doonaan shaqaaqadii dhacday ee dadka Shacabka ah ay wax yeeladu kasoo gaadhay.

ONA.