Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul goboleedka
Hirshabelle ayaa lagu magacaabay guddi qiimeeya kana talo bixiya
arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada sare oo ay dhowaan
dowlada federalka ay ku dhowaaqday in la joojiyay lana baabi’iyay
imtixaankii ay hore u galeen ardayda.

Guddigan
oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Wasiirka Wasaarada
waxbarashada Maamul Goboleedka Hirshabelle iyadoo ay xubno ka yihiin
xubno ka tirsan golaha wasiirada gudoomiyaasha gobolada Hiiran,shabelaha
dhexe iyo aqoonyahano.

Afhayeenka dowlad goboleedka Hirshabelle
Daa’uud Xaaji Cirro oo saxaafada u aqriyay wareegtadan ayaa sheegay in
dowlad goboleedka Hirshabelle ay tixgelin talooyinka guddigan.

Madaxweynaha
dowlad goboleedka Hirshabelle oo la hadlayay qaar kamid ah ardayda
dugsiyada sare ee magaalada Jowhar ayaa dhowaan sheegay in ay ka
fiirsanayaan in adeegyada waxbarashada ay ku xirnaadaan dowlada
federalka.

Banaanbaxyo ay ka dhigeen magaalooyinka Jowhar iyo
Beledweyne ardayda laga joojiyay imtixaanaadka ayaa waxa ay ku dalbadeen
in Maamulka Hirshabelle uu go’aan ka gaaro arrimaha Waxbarashada.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada Madaxweynaha Hirshabelle ku magacaabay Guddiga;



Source link
2019-05-15 18:21:18