Ciidamada Dab
Damiska Somaliland ayaa maanta soo badbaadiyay wiil yar oo umul ahaa, ka dib
markii lagu dhex riday suuli.

Dhacdadan oo
argagax gelisay bulshada ayaa waxay maanta ka dhacday xaafadda October ee
Magaalada Hargeysa.

“Maanta waxaa
noo timid haweeney naga codsatay in suuli la siiyo, markii ay gashay, ayna
baxday waxaanu maqalnay ilmo yar ooynaaya, inaganu waxaan ku wargelinay
Ciidamada Dab Damiska.” Ayay tidhi haweeney u hadashay dadkii guriga deganaa.

Ciidamada Dab
Damiska oo suuliga burburiyay ayaa ka soo saaray canugii yaraa, iyagoona u
qaaday goobaha caafimaadka, si lagula tacaalo xaaladiisa caafimaad.

Ilmahan yar oo
24 saac oo keliya jiray ayaa waxaa kiiskiisa la wareegay Ciidamada Dembi
Baarista Somaliland. 





Source link