Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa u magacaabay
Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan
maanta u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Intii uu kamidka ahaa
La-taliyeyaashayda, wuxuu Dr. Fuursade muujiyay inuu yahay shakhsi hufan
oo daacadnimo iyo hawlkarnimo ay u dheertahay, waxaana Alle uga
baryayaa inuu xilkan culus u fududeeyo.”

Madaxweynahu waxa uu
sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Marwo Drs. Aamin
Saciid Cali oo uu ku tilmaamay in ay ahayd qof waqti badan galisay u
adeegidda dalka iyo dadka.

Agaasimahan ayaa noqonaya kii afaraad oo ay yeelato Madaxtooyada, inta uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo muddo labo sano ah.

DHAMMAAD

TAARIIKH NOLOLEEDKA DR. NUUR DIIRIYE XIRSI (FUURSADE) OO KOOBAN:

▪ Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) Wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1952-dii.
▪ Waxbarashada Dugsiga Hoose iyo barasha Qur’aanka wuxuu ku qaatay isla Beledweyn.
▪ Waxbarashada Dhexe iyo Sare wuxuu ku qaatay Dugsiyada Bartamaha iyo Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho.
▪ Shahaadada Koowaad ee Jaamacadda wuxuu ka qaatay Jaamacadda Ummadda
Soomaaliyeed isagaa kamid aha dufcaddii ugu horreysay ee Kulliyadda
Injineeriyada.
▪ Shahaadada labaad (Masters) iyo Phd wuxuu ka qaatay
Jaamacadda Misouri (USA) sanadihii 1983 ilaa 1987 sida ay u kala
horreeyaan.
▪ Wuxuu taniyo 1978-dii Bare-kaaliye, Bare, Bare Sare
iyo Professor ka noqday jaamacado iyo Macaahid kala duwan oo ay kamid
yihiin Jaamacadda Ummadda (Soomaaliya), Jaamacadda Missouri (USA),
Jaamacadda UAE ee Al Ceyn (Isu-tagga Imaaraadka Carabta) iyo Koleejka
Seneca (Canada).
▪ Wuxuu intii u dhaxaysay 1987-2017 talo-bixin iyo
tababarro ku saabsan culuumta kumbiyuutarka, Dad dhigista (Data-base)
iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda siiyay shirkado gaar loo
leeyahay iyo Jaamacado ku yaalla dalalka Mareykanka, Canada, UAE iyo
Soomaaliya.
▪ Sanadkii 2017 ilaa iyo hadda wuxuu qeyb ka ahaa
Maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo loo
magacaabay La-taliyaha dhanka Istiraatiijiyadda.
▪ Waxyaabihii uu ka
shaqeeyay waxaa kamid ahaa Mashruuca Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga
Dadweynaha oo ay gacan ka geysanayaan Dowladda Baakistaan iyo Bankiga
Adduunka kaas oo ay haatan dhammeystirkiisa ka shaqeynayso Wasaaradda
Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
▪ Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2019 waxa uu u magacaabay
Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.



Source link
2019-05-15 18:10:02